Sbs Somali - Sbs Afomali
- Autor: Vários
- Narrador: Vários
- Editora: Podcast
- Duração: 113:32:17
- Mais informações
Informações:
Sinopse
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episódios
-
SG: HOW TO ACCESS LOW-COST MEDICAL SERVICES IN AUSTRALIA.
07/02/2023 Duração: 14minMedicare waxa uu kabaa adeegyo caafimaad oo kala duwan oo lama huraan ah, oo ay ku jiraan booqashooyinka dhakhtarka, baarista dhiiga iyo cudurada, baarista raajada, iyo qaliinada ama hababka qaarkood. Waxa kale oo ay dabooshaa baadhista indhaha ee sannadlaha ah ee dhakhtarka indhaha, iyo sidoo kale tallaalada carruurta.
-
Buufin Shiinuhu lahaa oo hawada sare ee Maraykanka lagu burburiyey.
06/02/2023 Duração: 09minBuufin (balloon) Shiinuhu lahaa ayaa soo gaadhay hawada sare ee Maraykanka, isagoo Maraykanku ay u qaateen in uu yahay buufin basaasnimo Shiinuhu usoo direen, kadibna la qarxiyey. Buufinkan ayaa xaalad siyaasadeed ka dhex abuuray labada dal.
-
Ilhaan Omar oo laga saaray Gudida Arimaha Dibada ee Baarlamaanka US.
03/02/2023 Duração: 07minXisbiga Jamhuuriga ee aqlabiyada ka ah baarlamaanka maraykanka ayaa ka saaray xildhibaanad Ilhaan Omar xubinimadii ay ka ahayd Gudida Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Maraykanka.
-
Hamdi Ali oo ka faaloonaya sanad dugsiyeedka 2023 oo bilowday iyo xaaladaha ku xeeran.
02/02/2023 Duração: 12minSanad dugsiyeedka 2023 ayaa bilowday todobaadkan, iyadoo maalaayiin ardada dugsiyadu ay ku laabteen ama bilaabeen wax barashadooda. Dhinaca kale waxaa jira xaalad sicir bararku abuuray oo maciishadii ay qaaliyowday, taasoo saamaysay qoysaska caruutoodu dugsiyada dhigtaan. Hamdi Ali, oo ka mida hogaamiyaalka bulshada Soomalida magaalada Melbourne ayaan arintan waraysi kala yeelanay.
-
Somali Full Program, Wednesday 01.
02/02/2023 Duração: 56minBarnaamijkii ka baxay idaacada habeenkii Arbacada 01. Halkan ka dhagayso isagoo dhamays tiran.
-
Soomaaliya oo Muqdisho ku marti galisay shirka Dalalka Safka Hore.
01/02/2023 Duração: 06minSoomaaliya aa Muqdisho ku qabatay shirka Dalalka Safka Hore, oo laba maalmood qaadanaya (31 Jan - 01 Feb) ayaa diirada lagu saaray sidii si wada jira looga hawlgali lahaa la dagaalanka argagixisada iyo mawaadiic kale.
-
Sanad dugsiyeedkii 2023 oo todabaadkan bilowday iyadoo culaysyo dhaqaale jiraan.
01/02/2023 Duração: 09minTodobaadkan ayaa waxaa bilowday sanad dugsiyeedkii 2023, iyadoo malaayiin arda ah ay dugsiyada ku noqdeen, iyadooy jirto culaysyo dhaqaale oo ay sababtay maciishada aadka u sarakacday. Tan ayaa qoysaska caruurtoodu iskoolada dhigtaan ka dhigaysa in ay wajahaan culaysya kaga imaanaya dhanka u diyaarinta caruurta waxa ay iskoolka uga baahanyihiin.
-
Cabdullahi Khadar oo ka faaloonaya shirkii culimaa'udiinka Soaliyeed ee Muqdisho ka dhacay.
31/01/2023 Duração: 12minShirka Culimada Diinta Islaamka ayaa dhawr maalmood ka socday Muqdisho, soona gabagaboobay. C/laahi Khadar oo ka mid ah aqoonyahanka qurba joogta ah ee lagu marti qaaday shirka ayaa Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada SBS ay ka waraysatay shirka iyo waxa uu daaranaa iyo natiijooyinka laga filayo inay kasoo baxaan go'aamadii lagu heshiiyey. Kaga bogo wax badan oo shirka ku saabsan waraysigan.
-
Sidee looga badbaadaa khataraha xeebaha Australia.
31/01/2023 Duração: 12minAustralia xeeba badan oo lagu damaashaado ayey leedahay, balse waxaa jira khatara u baahan in qofka xeebahaas imanay uu ku baraarugo. Khatarahaas waxaa ka mida dadku in ay ku qarqoomaan biyaha bada, mararka qaarna uu jiro Yaxaas-badeed (Shark) dadka ku weerara biyaha, lagana yaabo mararka qaar in uu dhib gaysto. Warbixintan ayaan ku iftiimineynaa sida looga badbaadi karo khataraha ku jira xeebaha Australia.
-
Somali Full Program, Friday 27.
30/01/2023 Duração: 54minBarnaamijka idaacada ee Jamcadii 27, halkan ka dhageyso isagoo dhamaystiran.
-
Faarax Warsame Gudoomiyaha Somali Community inc oo kulankii 26 Jan aan ka waraysanay.
27/01/2023 Duração: 10minFaarax Warsame oo ah Gudoomiyaha Somali Cummunity Inc ayaa kulan balaadhan oo uu soo agaasimay qabtay 26 Jan. Kulanka waxaa kasoo qayb galay Jaaliyada Soomaaliya ee Melbourne adaxdeeda iyo madax kaloo badan oo Australiana. Laanta Afsoomaaliga ee SBS ayaa waraysi la yeelatay.
-
Cabdiraxman J Gayre & Sicid Shinle oon ka waraysanay sooyaalkii Jaalilyada Som ee Melbourne.
27/01/2023 Duração: 07minQaar ka mida Jiilkii hore ee jaaliyada Soomaalida Melbourne oo lagu abaal mariyey kulankii Jan 26 dhacay. Halkan ka dhageyso waraysi aan la yeelanay Abdiraxman Jaamac Gayre iyo Siciid Shiinle.
-
Muhubo Qaymaa oo hidaha iyo dhaqanka kusoo bandhigtay kulankii jaaliyada Melbourne Jan 26.
27/01/2023 Duração: 06minMuxubo Qaymaa ayaa qayb ka ahayd shirkii Jaalilyada Soomaliyda ee Melbourne ee dhacay 26 January. Sidii caadada u aheyd ee lagu yiqiinay waxay kusoo bandhigtay wax soo saarkeedii farsaxan ee hidaha iyo dhaqanka. waraysi ayaan layeelanay .
-
Somali Full Program, Wednesday 25.
26/01/2023 Duração: 56minKa dhagayso halkan barnamijkii Idaacada SBS Laanta Afsoomaaliga ka baxay maalintii Arbacada 25 oo dhamaystiran.
-
Taliyaha Ciidanka Somaliland oo shir-jaraa'id kaga hadlay xaalada magaalada Laascaanood
26/01/2023 Duração: 05minTaliyaha Ciidanka Soomaaliland Gen. Nuux Ismaaciil ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay kaga hadlay magaalada Laascaanood, iyo shir lagu qaban doono magaalada.
-
Hawlgal amaan sugid oo Muqdisho ka bilowday.
26/01/2023 Duração: 05minQaar ka mida degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa ka biloowday hawlgal amaanka lagu sugayo.
-
Dr M Cabaas, oo ka faaloonaya heshiiskii Ethiopia iyo halkuu marayo.
25/01/2023 Duração: 11minHeshiiskii Xukuumada Ethiopia iyo jabhada Tigray-ga ee dhacay November 2022, ayaan wali u fulin sidii lagu heshiiyey. Sababa jira ayaa wali ka dhigaya heshiiska mid su'aala ay ka yimaadeen. Dr Maxamed Cabaas oo falanqeeya arimaha siyaasada ayaan ka waraysanay heshiiskaas iyo xaaladaha ku hareeraysan.
-
Hadalhaynta badalida maalinta 26 Australia Day oo sare usii kacday.
25/01/2023 Duração: 13minDadka wadanka Australia loogu yimid (Indigenous) ayaa kasoo horjeeda in 26 January ay sii ahaato maalita Australia Day. Maalintay ayey u aqoonsanyihiin maalintii lagu soo duulay dhulkooda. Taageeraha codkooda ayaa sanadba sanadka kasii danbeeya sii kordhaya.
-
Turkiga oo jawaab adag ka bixiyey gubitaankii kitaabka Qur'aanka.
24/01/2023 Duração: 12minTurkiga ayaa jawaab adag ka bixiyey falkii lagu gubay kitaabka Qur'aanka Kariimka oo ka dhacday Sweden.
-
Somali Full Program, Friday 20
23/01/2023 Duração: 55minBaraamijka Idaacada ee habeenka Jimcaha 20 oo dhamaystiran halkan ka dhageyso.