Sinopse
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episódios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
18/10/2024 Duração: 02minSagaal qof oo ku nool magaalada Kalskrona oo ay ku jiraan dhowr carruur ah ayaa xanuunsaday ka dib markii ay cuneen doolshe habeen hore. Wiil 17 jir ah ayaa lagu soo oogay tuhun ah inuu nin 20 jir ah xagaagan uu toogasho ku dilay xaafadda Bagaregården oo dhacda duleedka magaalada Göteborg. Waqtiyada ey sugaan dadka u baahan qalabka maqalka ayaa qaata muddo dheer, waxayna taasi leedahay cawaaqib.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
17/10/2024 Duração: 02minAqlabiyadda baarlamaanka ayaa doonayo in la adkeeyo shuruucda iibinta ee loo adeegsado wicitaanada taleefannada. In ka badan afartan takhaatiir oo ka hawl gala gobolka Stockholm iyo gobolka Västra Götaland ayaa lacag lagu siiyay booqashooyin caafimaad oo ay laftoodu bukaan socod ka ahaayeen. Rabshadaha gaangiska ee koonfurta magaalada Stockholm ayaa sii kordhay dhawaanahan, sida uu sheegay boolisku.
-
Wararka maanta ee Raadiyah Sweden
16/10/2024 Duração: 02minHaweeney reer Västerås ah ayaa lagu xukumay xabsi, kadib markii ay lacag dhan 860 000 oo karoon ah ka xadday islaan 70-meeyo jir ah. Muddo sannad ah ayaa maanta ka soo wareegtay falkii argagixisada ee ka dhacay magaalada Brusells ee toogashada lagu diley laba muwaadin oo Iswiidhish ah. Haweeney aan dooneyn in la ogaado qofka ay tahay ayaa 10 milyan oo karoon ugu deeqday xarunta dhexe ee cudurka macaanka ee jaamicadda Lund.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
15/10/2024 Duração: 02minBishii sebtembar, 7,600 oo qof ayaa la ogeysiiyay in shaqada laga ceyriyay, waa in 1000 ka badan isla muddadaas ee sannadkii hore. Go'aan ka soo baxay Xafiiska La Dagaalanka Faqooqa DO ayaa lagu sheegay inaan loo macneeyn karin faqooq in ardeyda aan caqiido ahaan u cuni karin hilibka khaansiirka aaney helin hilib kale''. Saddex maamule oo ka tirsan degmeda Botkyrka ayaa lagu wargeliyay in shaqada laga ceyriyay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
14/10/2024 Duração: 02minQof labaad ayaa loo qabtay weerarkii xabadeeynta ee lagu qaaday shirkaddii israa'iil ee tenikada hubka ee lagu magacaabo Elbit. Madaxa xukuumadda Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay inuu doonayo inay EU-du argagixiso ku shaabadeeyso ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan. Sagaalkii subaxnimo ee isniinta maanta ayay maxkamadda degmada Malmö ka furantay dacwad ka dhan ah Rasmus Paludan.
-
Wararka maanta iyo Sweden
11/10/2024 Duração: 02minIsbeddelka cimilada ee dhammaadka todobaadka iyo raadadka duufaanta Kirk. Qof ku dhaawacmay biriq ayaa weli ku jira isbitaalka. Ballanqaad taageero macallimiinta diida inay ardayda soo sheegaan.
-
Wararka maanta ee Sweden
10/10/2024 Duração: 02minNin ayaa loo xukumay kufsi caruur. Isku day ku tashkiilin carruur falal denbi. Deeq lagu heysto sida ay degmadda Botkyrka u isticmaashay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
09/10/2024 Duração: 02minHal qof ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday xarunta Sollentuna. Tigidhada safarada SJ ee Kirismaska oo saf dheer noqday. Fritidsbanken- laaybareeriga qalabka ciyaaraha oo oo xukuumadda ka heshay 10 milyan oo karoon.
-
Wararka maanta ee Iswiidhen
08/10/2024 Duração: 02minSicir-bararka oo hoos u dhacay. Middaasi ayaa ka dhigan inuu Bangiga Qaranku sida laga yaabouu hoos laba jeer u dhigo ribada hoggaanka marka xigta bisha Nofeember,sida culimada dhaqaaluhu sheegeen. Guurka qraabada ilma adeerta iyo ilma habreedka iyo wlaalaha uu waalid ka dhexeeyo oo la soo jeediyey in la mamnuuco. Bisha Sebtermbar ee sannadkan waa bishii labaad ee ugu kululeyd bilaha sebteembar ee laga diiwaan geliyay adduunka, sida laga soo xigtay adeegga cimilada ee EU, Copernicus.
-
Wararkii ugu dambeeyey ee Raadiyaha Iswiidhen
07/10/2024 Duração: 01minWiil dhallinyaro ah oo loo xiray dil. Dambi ka dhacay dugsi xannaanada ee Flen. Heyadda saadaalinta hawada oo ka digtay baraf.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
04/10/2024 Duração: 02minNawaaxiga magaalada Göteborg ayey habeennimadii xalay iyo arroornimadii saaka ka dhaceen laba qarax. Qiimaha cunnada ayaa mar kale kor u kacay. Bishii sebteember ayuu qiimuhu kor u kacay 0,2 boqolkii, sida laga soo xigtay tirakoobka ururka Matpriskollen. Waxaa kor u kacay qiimaha kirooyinka guryaha 5,0 boqolkiiba, sida ku cad tirakoobka xafiiska dhexe ee tirakoobka ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
03/10/2024 Duração: 03minDembiyadii ka dhanka ah safaaradaha Israa'iil ee Stockholm iyo Copenhagen ayaa la fuliyay ka dib amar ka yimid shabakadda gaangiska ee Foxtrot, sida warar soo gaaray taleefishinka SVT lagu sheegay. Tirakoobyada degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan ee bishii Agoosto ayaa muujiyay in safka daryeelka caafimaad uu aad u dheeraa.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
02/10/2024 Duração: 02minSaddex qof oo iswiidhish ah ayaa maanta lagu xidhay magaalada Copenhagen. Waxaa loo xiray laba qarax ee habeennamadii Arbacadu soo galaysay, ka dhacay meel u dhow safaaradda Israa'iil ee Denmark. Dacwad abiil ah ayaa laga qaatay go'aankii hoosta loogu dhigey dacwaddii la xiriirtay iskudirka qowmiyadaha ee horey loogu eedeeyey Rickard Jomshof oo ka tirsan xisbiga sverigedemokraten. Magaalada Uppsala ayaa laga heley nooc tufaax aan caadi ahayn.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
01/10/2024 Duração: 02minTirada shirkadaha busaaradaystay (dhaqaale beeley) bishii Sebtembar ayaa kor u kacay. Xisbiyada Centerpartiet iyo Miljöpartiet ayaa raba in xukuumaddu ay magacowdo guddi baarlamaani ah si iskuraacid ballaaran loogu heli lahaa sidii dib u habeeyn lagu sameeyo nidaamka shahaadooyinka. Sannad kasta, in ka badan 1200 qof oo iswiidhish ah ayaa is dila.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
30/09/2024 Duração: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah App beeen abuur ah ee lacagta Iswish-ka oo beryahan laga isticmaalayey goobo ay ka mid tahay nawaaxiga Varberg.Laba qof oo xalay fiidnimadii toogasho lala beegsadey xaafadda Rissne ee degmada Sundbyberg, Stockholm.Sweden ayaa berrito yeelan doonta abbaanduule cusub ee milateri.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
27/09/2024 Duração: 02minMa jiri doonto cid sharci kale loo eegayo marka loo eego xeerarka shaqaalaha soo galootiga ah ee ka shaqeeya Northvolt. Xukuumadda ayaa dooneysa inay xaddido gunooyinka qoysaska waaweyn, waxayna hadda dooneysaa in la baaro arrintan. Hay'adda saadaasha hawada ee SMHI aya digniin ka soo saartay roob badan oo ka da'aya koonfur-bari Iswiidhen maanta.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/09/2024 Duração: 02minWakiilada baarlamanka ee cadaaladda ayaa dhaleeceyn culus u jeediyay guddoomiyaha gobolka Stockholm, Anna Kinberg Batra. Degmooyinka Iswiidhen ayaa sanadkii hore lacag dhan 200 milyan oo karoon siisay shirkado maamula guryaha dhallinyarada lagu haayo ee loo yaqaan HVB. Nin 40 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi kadib markii uu si qarsoodi ah filim uga duubay gabdho wax ka baranayay iskuul ku yaala Karlstad oo uu ka shaqayn jiray.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/09/2024 Duração: 02minHowlgallo wadajir ah oo ka dhacay Stockholm iyo dalka Latvia, ayaa waxaa shalay lagu xiray siddeed qof oo looga shakisan yahay inay galeen dambiyo maaliyadeed oo halis ah. Dad badan ayaa ku jeeda haya'adda qaabilsan qasab ku urruurinta deymaha ee Kronofogden si ay lacag uga helaan shirkadda Northvolt oo ay dhibaatadu saameysey. Guryaha dhalinyarada lagu hayo ee HVB ayaa loo baahan yahay in si wanaagsan loo baaro.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/09/2024 Duração: 02minWiil aan weli qaangaarin ayaa lagu ridey xukun xabsi daa'in ah in uu dil geeystay, markuu xabsiga dhammeeystana dalka laga masaafuriyo. Xukuumadda ayaa u saartay guddi masiibo shirkadda Northvolt, middaasi na oo ka dambeeysay shaqaalaha badan ee lagu wargeliyey in shaqada laga fariisin doono. Maamulka degmada Stockholm ayaa iminkana go'aan ku gaaray inuu joojiyo taageeradii dhaqaale ee ururka Ibn Rushd.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
23/09/2024 Duração: 02minKobaca dhaqaalaha, oo lagu cabbiro GDP, ayaa kor u kacay 0.9 boqolkiiba sanadkan iyo 2.3 boqolkiiba sanadka soo socda marka loo eego saadaasha. Xisbiga Liberalerna ayaa doonaya in la baabi'iyo qiimeynta shahaadada-F ee dugsiga sare, taa oo dad badan ka reeebta dugsiga sare. Sannadkan, markii ugu horreysay mawduuca bandhigga buugaagta ayaa noqonaya mid ku saabsan suugaanta iyo dhaqanka qowmiyadda Saami-ga.