Sinopse
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episódios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
12/10/2023 Duração: 02minDiyaarad ku soo wajahan Iswiidhen ayaa caawa kasoo baxaysa Israa'iil. Boliiska magaalada Uppsala ayaa mar kale gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa goor dambe ee fiidnimadii arbacadii ina dhaaftay. Film uu faafiyay oo lagu gubayo quraanka ayaa lagu xukumay kicin ka dhan ah qowmiyad.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/10/2023 Duração: 02minWadahadalkii shirkadaha dayuurradaha rakaabka ee loogu talagalay daad gureeynta muwaadiniinta Iswiidhashka ee ku sugan Israa'iil ayaa hadda socota. Wiil aan qaangaarin ayaa lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago shaki tuhun ah oo laga qabo inuu isu diyaarinayay weerar uu ku qaado iskuul ku yaala nawaaxiga Göteborg. Baarista sannadlaha oo ay soo saarto hayadda ka hortagga dembiyada ee BRÅ ayey 53 boqolkii ku jawaaben iney badankood welwel ka qabaan xaaladda dembiyada ee bulshada ka dhaca.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
10/10/2023 Duração: 03minLabo ilmood oo aabbahood oo iswiidhish yahay oo ku geeriyoodey duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa'iil ka geysatay marinka Qaza malintii shalay, sidaay sheegtay Ekot. Ku dhowaad bar qaxootiga Ukrayn ee Sweden ku heley magangelyada ayaa shaqeeya oo masuufkooda ku filan, sida laga soo xigtay laanta idaacadda P4 Malmöhus. Qaraxyada iyo toogashooyinka sii xoogeysanaya ee dalka ka dhacaya ayaa sababay inay xukuumaddu tallaabooyin adadag kala hortimaado sidii loo yareeyn lahaa.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
09/10/2023 Duração: 03minIskuul lagu barto SfI oo ku yaalla magaalada Ludvika ayaa dhawaan laga bilaabay hab cusub oo ardaydayda afka Iswiidhashka lagu baro. Biladda dhaqaalaha sannadka 2023 ee lagu maamuuso Alfred Nobel ayaa lagu dhawaaqay inay ku guuleeysatay cilmibaaraha dhaqaale ee Mareeykanka Claudia Goldin. Go'aannada ay xukuumaddu ku tala jirto ee ka hortaga dambiyada iyo xoojinta amaanka ayaa waxa ka mid ah in la dhagaysan karo taleefanada dadka, xitaa iyadoon dembi lagu tuhunsanayn.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
06/10/2023 Duração: 03minNarges Mohammadi, ahna suxufiyad u doodda arrimmaha xuquuqda bani'aadmka ayaa ku guuleeysatay biladda nobeelka nabadda ee sannadka 2023, sida maanta lagaga dhawaaqay rugta nobeelka ee dalka Noorwey. Weli ma cadda wixii ku dhacay wiil 15 jir ah oo laga la'yahay gurigooda oo ku yaalla magaalada Allingsås illaa isniintii. Kulan looga hadlayay xanuunnada ku dhaca dhimirka, saameeynta ey bulshada ku leeyihiin iyo sida loola tacaali karo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
05/10/2023 Duração: 03minJon Fosse, ahna masraxle u dhashay dalka Noorwey ayaa sannadka ku guuleeystay biladda abaarmarinta nobeelka ee suugaanta. Xukuumadda ayaa hadda u saaraysa baaris lagu eegeyo xeerarka magangelyo doonka iyo weliba sidii xeerarkaasi loola qabadsiin lahaa midda sharciga heerarka ugu hooseeya ee xeerka EU-du ogol yahay. Dalalka Midowga Yurub ayaa heshiis ka gaaray siyaasaddooda arrimmaha magangelyodoonka iyo socdaalka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/10/2023 Duração: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Saynisyahannada kala ah Moungi Bawendi, Louis Brus iyo Alexei Ekimov ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nobel-ka ee Kimistariga sannadka 2023.Xisbiyada gacanta ku haya hoggaanka gobolka Stockholm ee S, C, MP iyo V, ayaa doonaya iney boqolkiiba 30 öre kor u qaadaan canshuurta. Sidoo kale waxaa la soo jeediyey khidmadda booqashada caafimaadka iyo kaarka gaadiidka daweynaha SL-kort in kor loo qaado. Barnaamij taxane ah oo la xiriira kireeynta guryaha ee gacanta labaad ee aan ogolaanshaha loo heeysan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
03/10/2023 Duração: 03minBiladda abaalmarinta fiisikada ee 2023 ayaa sannadka lagu bixiyey cilmibaarista la xiriirta elektrooner-ka iyo biriqda ilayska. Saddex caalin ayaana ku guuleeystey. Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson ayaa ku casuumay hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga Sverigesdemokraterna shirka golaha talabixinta amniga qaranka. Jan Nilsson, ama Abdul Hamid oo horey loo oran jirey ayaa magaciisa bedelay si uu si ka sahlan shaqo ugu helo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
02/10/2023 Duração: 03minBiladdii abaalmarinta noobelka ee caafimaadka oo la magacaabey cidda ku guuleeysatey. Dhawaan waxaa dhaqan gali doona xeer lagu adkeeyey ee tahriibka shaqada u yimaada dalka ee ka soo jeeda waddammada ka baxsan EU. Kulanka uu galabnimada maanta yeelan doono guddiga qaran ee ammaanka ayaa dhammaantii wuxuu ku saabsanaan doonaa hirarka rabshadaha dalka ka dhacayey beryahan dambe.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
29/09/2023 Duração: 02minXukuumadda oo fartay milateriga inuu howlaha qaarkood inta sharcigu ogol yahay gacan ku siiyo boliiska la dagaalanka rabshada gaangiska. Cunno-iibsigii oo yaraadey iyo iibsiga macmacaanka oo kor u kacay. Wasiirro xubno ka ah xukuumadda Sweden oo warqad farriin ah u direy dawladda Soomaaliya bishii maajo ee sannadkan 2023.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/09/2023 Duração: 03minWaxaa hoos u sii dhaceeysa da'da dhallinyarada doonta iney isaga baxaan kooxaha dembiyada isku baheeysta. Saddex wiil oo 15-jirro ah oo boliisku ogaadey iney gacan ka geeysteen rabshadihii ka dhacay horraantii bishii sebteember xaafadda Rosengård oo uu ka dhacayay bannaanbax kitaab lagu gubayey. Dhaqaalexumidda dalka ka jirta oo sii adkaan doonta sannadka foodda innagu soo haya, sida uu saadaaliyay machadka culuunta is-rogrogga dhaqaalaka ee loo soo gaabiyo KI.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
27/09/2023 Duração: 02minXukuumadda ayaa doonaysaa in la hirgeliyo diiwaan qaran ee ogolaansho shati dadyoowga haya waxyaabaha qarxa. Falka sharaf-dhowrka ayaa ka dambeeyay mar uu sannadkii hore wiil ku dilay hooyadii magaalada Göteborg, sida ay go'aamisay maxkamadda racfaanka ee galbeedka Iswiidhen. Sabtidii ayaa la qabtay kulan looga xaajoonayay dhibaatooyinka cabashada ee waalidiinta soomaalida ee Iswiidhen ku dhaqan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/09/2023 Duração: 03minTurkey oo shuruuda helida diyaaradaha F16 ku xidhay xubinimada Iswiidhen ee gaashaanbuurta Nato. Dadka heley taageero dhaqaale ayaa shan jeer in ka badan halis ugu jira iney is-dilaan. sida ay sheegtay Ylva Ginsberg. Welwel badan ayaa waayadan dambe ka guuxayey bulshada soomaalida ee ku dhaqan dalka Sweden ee la xiriira carruurta waalidkood laga kaxeeyo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/09/2023 Duração: 03minGaroon ciyaaraaha oo ay ku tababartaan carruuurta kuna yaalla Stockholm ayaa dhawaanahan lagu arkay amni darro. Nin ku nool magaalada Malmö ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay kadibna uu jarjaray haraaga jirka nin 20 jir ah. Dhawaantan ayay xukuumadda Iswiidhen ku dhawaaqday inay joojinayso lacag lagu tageeri jirey ururrada ku dhisan qoomiyadaha oo dhan 19 milyan oo karoonka Iswiidhishka ah.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
22/09/2023 Duração: 02minKooxda kubadda cagta AIK ee ka dhisan Solna, ayaa u digaysaa waalidiinta carruurtoodu u ciyaaraan naadiga. Safafka dheer ee loo galay goobaha codbixinta sannadkii hore, ayaan ahayn sababta ugu weyn ee keentay hoos u dhaca ku yimid codbixinta doorashada. Booliisku ayaa raadinayaan dambiilaha keligiis ah kadib markii xalay toogasho lagu dilay goob baar ku taal bartamaha Sandviken.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
21/09/2023 Duração: 02minHaddii uu hirgalo sharciga ku saabsan ku soo wargelinta khasabka ah, degmada Göteborg ayaan wax tallaabo ah ka qaadi doonin shaqaalaha aan soo sheegin dadka sida sharci darrada ah ku jooga Iswiidhan. Waayeelka ka da'da weyn 75 sannadood waa in laga tallaalo fayruska RS.Waa boorin ka timid hayadda caafimaadka bulshada. Dhaqdhaqaaqa iyo tababarku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha caafimaadka qofka kor u qaada, kana hor istaaga cdurro badan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/09/2023 Duração: 02minWaxaa beryahan dambe la isla dhexmarayey warar sheegaya in dhallaanka dhigta dugsiyada xanaannada lagu baro macluumaad ku saabsan galmada. Adeegga xarummaha gargaarka degdegga ah ayaa qaata waqti dheer, sida ku cad tirakoobka hayadda hoggaanka bulshada. Magaalada Kiruna oo saaka ku waaberisatay magaalo cad oo baraf buuxiyey.
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/09/2023 Duração: 03minSiyaasigii Per Gahrton, kana mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga cagaaran/doogga ee Miljöpartiet oo ku geeriyooday da'da 80 jir. Swedenoo weli ey rabshadihii ka socdaan iyo rabshado xaley ka dhacey goobo kala duwan. Daraasad lagu eegeyo hooyooyinka soomaaliyeed ee uurka leh ee ilmuhu caloosha kaga geeriyoodaan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
18/09/2023 Duração: 03minQiimaha karoonka Iswiidhan oo si aanu abid hoos ugu dhicin hoos ugu dhacay halka uu isniinta maanta gaadhay. Mgaalada Norrköping shaqaale ka hawlgala dugsi ku yaala magaalada ayaa laga shaqadalaga fariisiyay iyada oo lala xidhiidhinayo rabashado magaalada ka dhacay khamiistii. Hubanti la'aan cusub ayaa ka jirta ku biirida Nato ee Iswiidhan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/09/2023 Duração: 02minToddobaadyadii ugu dambeeyey waxa dalkani Iswiidhen ka dhacay is xabadayn sababtay dhimashada 6 qof oo ka kala dhacay goobo kala duwan. Magaalada Säter waxaa hadda ka bilaabmaya mashruuc ay dhallinyaradu fursad u helayaan in ay ka qaybqaataan hoowlaha wakhtiga firaaqada ah la qabto iyo tartamo kala duwan. Tagitaanka dhakhtarka ilkuhu ayanan bilaash u ahaan doonin kuwa da'dooda u dhaxeeyso 1923.