Sinopse
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episódios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/05/2023 Duração: 02minWasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen Tobias Billström ayaa doonaya inuu ururka Midowga Yurub u aqoonsado argagixiso ciidanka Ruushka ee lagu magacaabo Wegner. Oorso iyo yees nabad ku kulmay oo weliba hab isa siiyey intii aaney kala tegin. Ilmo 14 jirro ah oo loo isticmaaley rabshadihii toogashooyinka ee gilgiley Stockholm qaboobihii.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/05/2023 Duração: 03minAshtakooyinka la xiriira faqooqa iyo cunsuriyadda laga gudbiyo oo aad u kordhay. Ardayda jaamacadda ee u adeegsadaga waxbarashadooda cilmiga caqliga macmalka ee AI oo aad u badan. Maxkamadda Södertörn oo dacwad ku soo oogtay lix ruux taasoo la xiriirta kooxaha dambiyadda.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
10/05/2023 Duração: 03minToddobo jir qatyaan ka taagan saacadda la bedelo ee kuleylaka kana codsaday ra'iisal wasaaraha Sweden in la joojiyo bedelka saacadda. Darawal aad u indha adag oosi sharci daro ah gaari ku waday oo ay joojiyeen bileyska. Khamiista berrito oo laga cabsi qabo inuu bilowdo shaqa ka fariisi ey sameeyaan shaqaalaha tareemmadu.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
09/05/2023 Duração: 04minIswiidhen oo u diraysa Yukrain ciidan farsamo iyo qalab dayactir. Maxkamadda racfaanka oo xukunno ku ridday shan ka mid ah lix qof oo ka mid ahaa 11 qof oo ku eedeeysnaa sannadkii tagay kacdoon rabshadood oo ka dhacay xaafadda Rinkeby ciiddii Påsk-iga ee sannadkii hore. Ulf Byström oo shaqadiisii uga tagay, kadib markii laga hor istaagay inuu ku shaqa yimaado isaga oo xiran shaatiga lagu magacaabo Hawaay Hawaiiskjorta.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
08/05/2023 Duração: 03minRobotyo u qubeyn kara waayeelka oo ku soo biiri kara shaqada xanaanada waayeelka dalka. Kalkaalisooyinka wax ku barta Iswiidhen oo u hayaama dibedda. Dalaga ugu horreeya baradhada oo maanta ka soo go'ay jasiirade ekada Bjäre.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/05/2023 Duração: 04minJimcada maanta ayay ka bilaabatay dacwad la xiriirta dhakhtarka Staffan Bergström oo ka caawiyay qof aad u xanuunsanaa, rajana aan lahayn siduu noloshiisa u soo afjari lahaa. 22 jirkii labada nin ku dilay dayrtii 2022 gurigiisa oo ku yalla degmeda Ulricehamn mar ay daaqadda ku soo jabsadeen ayaa wax dembi ah lagu waayay. Dr. Omar Abdurahman oo soo galay Sweden 1984-tii, heystana darajadda Phd ayaa imminka caawiyaa caruurta waalid la'aanta ah ee timaada Sweden,
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/05/2023 Duração: 03minKadib falkii mindiyeeynta ee shalay ka dhacay iskuul ku yaalla xaafadda Vällingby oo dhacda galbeedka magaalada Stockholm, ayuu maamulka iskuulku mar kale sidii caadiga ahayd albaabbada ugu furay iskuulka. Muddo afar sannadood ah ayey argagax ku hayeen shimbirro lammane ah ee qoyska shimbiraha " Gruidae" Kristin Pershagen iyo qoyskeeda. Ayanle Ismail Ahmed oo ku dhaqan Skellefteå imminkana ka shaqeeya goob macdanta laga qodo, ayuu hammigiisu mar ahaa in uu noqdo xiddig kubadda cagta.
-
Wararka maanta ee Raadiya Iswiidhen
03/05/2023 Duração: 03minBartamaha xaafada Jakobsberg ee degmeda Jarfälla ayaan hadda loo aqoonsaneen goob maandooriye, sida uu booliska sheegayo. Boliiska ayaa racfaan ka qaatay go'aankii maxkamadda maamulka ee la xiriirtay ogolaanshaha gubista kitaabka Qur'aanka. Guriga xarunta dhaqanka Sara ee degmadda Skellefteå ayaa ka mid ah dhisameyaasha xiisa leh muuqaal ahaan ee ku dhacaya indhaha dadka ku cusub degmadaasi.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
02/05/2023 Duração: 03minTiro malyan ka badan oo ku dhaqan Iswiidhen ayaan weli sameeyn xisaabxirkii sannadka, midkaasina oo saldhig u ah canshuurta aad bixin doonto. Tirada shirkadaha khasaaray ayaa sare u kacay, ayaga oo gaaray boqolkiiba 15 bishii abriil marka loo bar bar dhigo isla bishii abriil ee sannadkii hore. Qaar ka mid ah dadka ajaanibka ku dhaqan waqooyiga Sweden sida degmada Skellefeteå , ayaa sheegay in sabab ay u doorteeen in ay halkaasi ku noolaadaan ka mid yihiin is dhexgalka iyo shaqooyinka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/04/2023 Duração: 02minWaxaa sare u si kacaya tiradda dadka iyo shirkadaha lagu leeyahay deeymmaha korontada oo ay ku leedahay hay'adda qaabilsan uruurinta deeymaha ee magaceeda loo yaqaan Kronofogden. Labo wiil ayaa loo xukumay labo toogasho oo ka dhacday Gubbängen 28-kii Diseember ee sannadkii hore. Degmadda Skellefteå ee waqooyiga Iswiidhen ayaa waxaa ku soo kordhaya dad u badan shaqaale ay qaadaneyso shirkadda Northvolt.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
27/04/2023 Duração: 02minNin 25 jir habeen hore lagu toogtay oo ku geeriyooday xafaadda Hagalund ee magaalada Borlänge. Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha oo goaan ka khilaaafkii u d dhexeeyey ururka shaqaalaha iyo shaqabixiyaha tareemada isaga goosha magaalada Stockholm. 10-kii habeennimo oo la soo afjaray hawshii lagu daad gureeynayay muwaadiniintii iswiidhishka ee ku sugnaa Suudaan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/04/2023 Duração: 03minSeddex qof oo xabsi daa'in loogu xukumay dilkii loo gaystay gabadhii 12 jirka ahayd, Adriana ee degmedda Botkyrka oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm bishii Agoosto ee sannadkii 2020. Cillad ku timid korontada oo saameeyn weeyn ku yeellatay Stockholm sakay aabaraa 7-dii subaxnimo. Waxaa si weyn hoos ugu dhacay tiradda Soomaalida magan gelyo doonka ee soo gaara Sweden.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/04/2023 Duração: 02minWararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen Degmadda Skellefteå ee waqooyiga Sweden ayaa ka mid ah degmooyin baadigoob ugu jira shaqaale fara badan maadaama ay halkaasi ka jiraan shaqa raadin badan.Ku dhawaad 16 000 qof oo magan galyo doon ah ayaa sannadkaan dalka Iswiidhen laga filayaa.Shan ka mid ah diplomaasiyiinta dalka Ruushka u fadhiya iswiidhen oo la masaafurinayo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/04/2023 Duração: 03min150 ka Iswiidhashka ah oo wali ku sugan dalkaasi Suudaan. Cisbitaalka carruurta ee Astrid Lindgren oo ku yalla degmada Solna ee magaalda stockholm ayaa laga sheegay inuu ka dillaacay cudurka jadeecada. Karl-Erik Nilsson ayaa la soo jeediyay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee xiriirka ciyaaraha fududka ee qaranka - Riksidrottsförbundet.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
21/04/2023 Duração: 02minSigge Holmqvist oo 104 jir ah oo khlad loogu yeeray inuu ka soo qayb galo ciyaarta kubbadda cagta ee caruurta shan-jirrada. Bileyska degmadda Luleå oo soo saaray digniinuu ka soo saaray gaas khatar ah oo dhallinta ku sakhraanto. Dabaaldegga ciida Soonfurta oo jimcada maanta bilaabaday.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/04/2023 Duração: 03minXukuumadda ayaa dooneysa in ay sare u qaaddo aqoonta loo leeyahay qofka marka uu ka soo bogsooda cudurka Covid. Zeina Dolani oo sheegtay in Ramadan ay tebeyso isaga oo aan dhammaan maalin ka hor ciida Soon fur. Xukuumadda oo qoondeeynaysa in shaqo laaweyaasha howl badan laga qaban doono.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/04/2023 Duração: 03minAabbe 45 jir ah oo lagu riday xukun xabsi daa'in ah maadaama uu dilay wiilkiisii oo 8-jir ahaa bishii jannaayo magaalada Umeå. Aabbahan ayaa qirtay inuu dilay wiilkiisii. Adeegga iyo u diyaargarowga Ciida Ramadaanka oo si habsami leh u socota, dadkuna ku mashquulsan yihiin. Arbacada maanta oo ku beegan xirashada dirayska ciidanka madaniga ee goobaha shaqo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
18/04/2023 Duração: 03minDadka Iswiidhen oo gaari doono ku dhowaan 11 milyan sannadka 2030. Shirkadda tareemmada ee MTR oo dacweynaysa darawallada tareemmada ee ku jira shaqo joojintakana doonaysa magdhow iyo iney shaqada dib ugu soo laabtaan si degdeg ah. Shirkadda Vattenfall oo dhisaysa wershado cusub ee hanaanka biyaha laga dhaliyo korontada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
17/04/2023 Duração: 02minKansarka maqaarka oo soo badanaya oo xitaa dhallintii soo gaaray. Degmooyinka oo aan bixin waxbarashada koorsada barashada handhaqanka bulshada. Diyaaradii ay soo rideen ciidanka Iiraan oo uu xukun ka soo baxay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/04/2023 Duração: 03min19 qof oo gacansaar la leh kooxaha dembiyada iskubaheysta ee dalka Litawen oo aad uga shaqeeyn jirey ganacsiga maandooriya la isaga waarido dalalka Isbayn iyo Iswiidhen ayaa gacanta lagu dhigay. Sannadguuradii ka soo wareegtay rabshadii ciidul fusxiga (påsk-iga). Geeddisocodka aan kala istaagin ee Soomaalida. Professor Cali Nuur oo ka mid ah Soomaalida muddada dheer ku nool Sweden ayaa sheegay in geediga joogtada ahi uusan wanaagsaneen gaar ahaan qoysaska caruurta leh.