Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editora: Podcast
  • Duração: 23:20:26
  • Mais informações

Informações:

Sinopse

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episódios

  • Wararka maanta ee raadiyaha Sweden

    13/02/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Gobolka Gävleborg ayaa waxaa ku nool dhallinyaradda da'dooda u dhaxeyso 18-24 oo ay heyso shaqo la'aanta ugu badan SwedenKobaca dhaqaalaha Sweden ayaa noqday midka ugu liita waddamada midowga Yurub, iyadoo Sweden tahay waddanka keliya ee uu dhaqaalihiisu is dhimay.Toddobaadka foodda innagu soo haya ayuu u bilaaban doonaa reer Göteborg toddobaadka fasaxa ee ciyaaraha "sportlovet."

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    10/02/2023 Duração: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kaniisadda Sweden ayaa dib u eegis ku samaynaysa u diyaar garoobideeda xaaladaha khatarta ah iyo dagaallada hubaysan.Waa in la mamnuco gubidda dhammaan kutubta muqadiska ah oo dhan, sidaas waxaa soo jeediyay Masaajidka Göteborg sida uu sheegay SVT Väst.Sida ay muujisay baaris ay samaysay laanta wararka Ekot, in ku dhowaad afartan degmo oo Sweden ah u ogolaadaan qaxootiga Yukrayn nidaamka waxbarashada afka swedishka ee SFI.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Sweden

    09/02/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Laba nin oo wejiga u duuban yahay isla markaana hubeeysan ayaa maalintii shalay nin maxbuus ah ka soo furtay isbitaal ku yaalla magaalada Norrköping.Maanta ayaa ku aaddan sannadguuradii ugu horreeysay ee ka soo wareegta markii dalka laga qaadey dhammaan xayiraadihii xanuunka safmareenka ee covid-19.Qaar ka mida dukaanada iibiya alaabooyinka gacan labaad ka ee ku yaalla Sweden ayaa qeyb ka ah howlo taakuleyn oo lagu caawiyo dad ku sugan  dalka gudihiisa iyo dibediisa.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    08/02/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ciidammada nabadsugidda Sweden ayaa sheegay in ay u jeedaan khatarta weerar ku wajahan Sweden ay kor u kacday, sida ay ku soo qoreen bartooda Twitter ka. Booliiska Stockholm oo u diiday ogolaansho in Qur'aanka lagu hor gubo safaaradda Turkiga ee Sweden.Sweden ayaa eegaysa fursad ah in dalka lagu qabto cayaaraha jiilaalka ee Olombikada adduunka Vinter OS 2030 ka.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    07/02/2023 Duração: 03min

    Baabuurta la geeyo Skrott-ka oo yaraaday. Duulimaadyada diyaaradaha oo dib ugu laabtay heerkii Covid ka hor iyo degmadda Avesta oo dhalleeceyn kaga timid dhanka IVO

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    06/02/2023 Duração: 03min

    Dad aad u fara badan kuna nool Sweden ayaa ehelkooda waxay ku sugan yihiin goobaha uu dhulgariirku xalay iyo maanta ku dhuftay ee koonfurta dalka Turkiga iyo waqooyiga dalka Suuriya. Waxaa maanta loo dabaal degayaa maalinta qaranka dowmiyadda Samer-ka waana sannadguuradii 30-naad oo xiriir ah. Sare u kaca qiimaha cuntada oo halkiisa ka sii socda. Bishii jannaayo ayuu iimaha cuntadu kor u kacay 1,4%.

  • Wrarkii maanta ee Radiyaha Sweden

    03/02/2023 Duração: 03min

    Xildhibaanno ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Mareeykanka oo sheegay inaaney ansixin doonin iibka diyaaradaha F-16 ee dalka Turkiga, haddaannu dalkaasi Nato u sii dayn Iswiidhen iyo FInland. Sicirka qaxwaha ama kafeegaoo hoos u dhacay kiiladii. Tartankii heesaha Hirgaley Melodifestivalen ee Iswiidhen oo berito ka bilaabmi doona Göteborg.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    02/02/2023 Duração: 03min

    Centerpartiet ayaa maanta doortay hoggaamiye cusub oo baddelay Guddoomiyii hore Annie Lööf. Laga bilaabo jimcaha lixda subaxnimo ayey laanta saadasha hawadu, SMHI ka digaysaa in gobolka Halland uu baraf badani ku habsan doono. Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa shuruudeeyay inuu madaxa ciidanka ammaanka Anders Thornberg jagada iska casilo.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    01/02/2023 Duração: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Taliyaha booliiska ah ee magaciisa la yiraahdo Mats Löfving ayaa loo gudbiyey laba ashtako ka dhan ah, hase yeshee isagu iska dheereeyay.Albaabka goobtii ay ku jireen oo furnaa iyo dayac dhinaca hab raaca hawlmaalmeedka joogtada ah dartood ayey bartamihii december daanyeerradu uga baxsadeen beerta xayawaanka ee Furuviksparken.Wiil 17 jir ah ayaa rummaanka loo dhigay inuu gacan ka geeystay dilkii wiil 15 jir ahaa oo lagu toogtay sabtidii ina dhaaftay gudaha makhaayad ku taalla xaafadda Skogås oo dhacda koonfurta Stockholm. Wiilkan ayaan irsanayn tuhunka lagu soo oogay.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    31/01/2023 Duração: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Guryaha lagu xannaaneeyo dhallinyarada oo magacooda loo soo gaabsho HVB ayaa noqday meelo ay carruuurtaasi ka bilaabaan isticmaalka maandooriyaha iyo dembiyadaba.Magaca gabdhaha ee Alice oo muddo lix sannadood ahaa magaca ugu badan ee hablaha dhasha loo bixiyo ayaa sannadkii tagay waxaa booxka ka xayuubiyay, magaca Astrid.Degmadda Timrå ee gobolka Västerbotten ee waqooyiga Sweden, nin dambiile ayaa deyrtii hore isku dayay in uu soo jiito caruur da'doodu tahay 11 jiro.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    30/01/2023 Duração: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dalka Finland ayaa ku adkeeysanaya go'aankiisii ahaa iney Iswiidhen iyo Finland mar wada galaan ururka gaashaanbuurta Nato.Wakaaladda xoogga korontada Sweden ee Svenska Kraftnät ayaa maanta soo gudbisay  hindisaheeda sida uu u ekaan doono  kaalmada korontada  wejiga labaad.Xulka kubadda gacanta Sweden ayaan wax billad ah ka soo hoyn ciyaaraha adduunka kubadda gacanta oo qeyb ahaan uu dalku marti geliyay sannadkan.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    27/01/2023 Duração: 02min

    Wasiirka caddaaladda Iswiidhen oo ku baaqay in midowga Yurub iska kaashado kooxaha abaabulan ee dambiyadda. Koox arbushaad ama jabsi ka fulisa internetka oo turki ah oo u goodisay Iswiiden iyo Ciyaar semifinal oo caawa wada ey wada ciyaari doonaan Fransiiska iyo Iswiidhen sagaalka fiidnimo.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    26/01/2023 Duração: 03min

    Xagjirka midigta fog Rasmus Paludan ayaa sheegay in Chang Frick oo ka tirsan kanaal Rix ee uu leeyahay xisbiga SD uu bixiyay kharashka uu bileyska kaga doontay ruqsada in Quraanka uu ku hor gubay safaaradda Turkiga ee Stockholm iyo kanalkaasi oo iska fogeeyay. Xulka kubadda gacanta Sweden oo ka adkaaday midka Masar. Hanka horumarka oo ka soo bilaaban karo shaqooyin.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    25/01/2023 Duração: 03min

    Maamulka jaamicadda al-Azhar ee dalka Masar ayaa ku booriyay in cunaqabateeyn lagu soo rogo dalka Iswiidhen. Baaritan ay sameesay jaamcada Uppsala ayaa lagu ogaaday, in dadka asal ahaan dalka dibadiisa ka soo jeedaa isla markaana haysta tacliinta sare, ay muddo dheer ku qaadato in ay suuqa shaqada soo galaan. Taageeradii biilka korontada ee xukuumaddu qorsheeysay oo ugu horaan la bilaabi doona in la bixiyo gooaha koonfureed ee Iswiidhen 20-ka bisha feeberaayo

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    24/01/2023 Duração: 03min

    Shirkadaha korontada oo u dira macaamiisha xoggo kala duwan. Hoggaamiyaha xisbiyada mucaaradka Magdalena Andersson oo ka hadashay arrinka ka taagan codsiga Nato ee Turkiga. Soomaalida iyo barashada xirfadaha

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/01/2023 Duração: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xaaladdii cakirnayd ee qiimaha korontada oo laga yaabaa inay soo gabagaboowdo.Xagaagii ina soo dhaafay keliya, ku dhowaad hal milyan oo saacado dheeri ah ayay shaqeyeen shaqaalaha kahowlgala goobaha daryeelka waayeelka.Dalalka Sweden, Estonia iyo Finland ayaa guddiyadooda baarista shilalaka dhinaca hore waxay maanta soo bandhigeen warbixin horudhac ah oo ku aadan markabii rakaabka ee ku deagy badda Baaltika sannadkii 1994 oo ey ku geeriyoodeen 852 qof.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    20/01/2023 Duração: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib qaraxyo hirar ah oo is daba joog ah oo ayaamahaan ka dhacayey magaalada Stockholm iyo nawaaxigeeda ayey booliiska oo qabtay war saxaafadeed, wuxuu ku dhawaaqay xaaladda amni ee loogu yeero dhacdo gaar ah.Dadka shaqada sii wata howlgabka dabadii ayaan heli doonin oo keliya gunno howlgab ka badan, kolka ay howlgabka si dhab ah u galaan, waxaa kaloo u dheeraan doona macaash, marka laga eego dhanka nidaamka canshuurta. Labadii nin ee walaalaha ahaa ee shalayto lagu xukumay jaajuusnimada culus ayaa lagu ogaaday ka dib markii tuhun laga qabo loo gudbiyay ciidanka nabadsugidda Säpo.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    19/01/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo ay bishu tahay 19ka jannaayo, oo ah maalin ka hor maalintii ay walidiinta carruurta lahi, heli jireen lacagta tageerada carruurta, Barn bidrag, ayaa loogu yeeraa maalinta sannadka ugu faqiirsan,Sannadkii tagay ee 2022 ayaa Iswiidhen laga diiwaangeliyey dacwad dembiyeedyo dhan ku dhowaad 1 440 000, sida ku cad tirakoobka ururka ka hortagga dembiyada ee (Brå).Sannadkii tagay ee 2022 ayey ardeyda dhigata fasalka lixaad ey shantii ardeyba saddex ka mid ah ey doorteen barashada luuqadda isbaanishka, waana tiro kor u kacday 10% tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    18/01/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Muharrem Demirok oo iska celinaya dhalashada Turkiga.Bishii diseember ayay hoos u dhacday guud ahaan korontada la isticmaalay 8,2 boolkii marka loo barbardhigo bishii dhiggeeda ee ka horreeyey.Tan iyo dayrtii lasoo dhaafay oo iskuullada dib loogu laabtay, ayey dugsiyo badan ka muuqdeen in baahida loo qabo cunnoyinka iskuulka ey sare u kaceen, sida uu ku warramay Telefishinka SVT laantiisa Södertälje.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    17/01/2023 Duração: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Nils van der Poel oo ah cayaar yahan dheelka cayaarta barafka lagu ordo ayaa saddex biladood ku guulaystay xaflad cayaareedkii xalay.21 jirka Daniel Lönn oo ah Sverigedemokrat reer Borlänge ah ayaa noqonaya xildhibaanka ugu da'da yar baarlammaanka Sweden.Madaxa xukuumadda Iswiidhen Ulf Kristersson ayaa maanta hortagay baarlamanka waddammada ku midoobay EU-da ee magaalada Strasbourg.

Página 23 de 25