Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editora: Podcast
  • Duração: 44:57:15
  • Mais informações

Informações:

Sinopse

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episódios

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    07/03/2023 Duração: 03min

    Rihanna Omar oo dib ugu soo laabatay qoyskeeda Sweden. Xubno badan oo la filayo iney ka soo goostaan kooxaha dambiyada maadaama rabashada kooxahaasi ku fiday ehelka iyo SJ oo fursad siineysa dadka uu ey u go'an yihiin tikidhada tareenka.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    03/03/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Galinkii hore maanta oo jimce ah oo bartamaha magaalada Örebro lagu weeraray gabar dhalinyaro ah. Xukuumadda Sweden iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa raba in la sahlo in waalidka deggen guryaha kirada laga saari karo haddii ilmo uu dhalay dambi ku galo guriga dhexdiisa.Waxaan iswiidhen soo galay bishii agoosto ee sannadkii 2010 oo iminka laga joogo ku dhowaad 13 sannadood, sida uu sheegay Saki Ismail oo isaga iyo saddex carruur uu dhalayba ey yihiin muwaadiniin iswiidhish ah.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    03/03/2023 Duração: 03min

    Jahawareerka ka taagan tareenka pendeltågen oo soo dhammanaya toddobaadka soo socda. Tartanka Vasaloppet oo xiisa gaar lahaa sannadkan iyo sicirka korontada oo qaali ah toddobaadkan

  • Wararka maanta ee raadiyaha Sweden

    02/03/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Labo wiil oo walaalo ah ayaa lagu eedeeyay in ay hooyadood ku dileen magaalada Göteborg.Gabar 10 jir ah oo dhaawacyo halis ahi ka soo gaareen tooreey lagu weeraray iyada haweeney qaraabadeed ah magaalada Göteborg.Daarasad ay sammeysay jaamacadda Göteborg maantana la soo daabacay ayaa lagu sheegay in dadka u dhashaty dibedda ee gaar ahaan ka soo jeeda dalalka fuqurada, in aysan sammeyn horukac xagga deegaanka ah oo la mida dadka Swedish ah.

  • Wararka maanta ee Raadiyah Sweden

    01/03/2023 Duração: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xukuumadda Sweden iyo xisbiga ay wada shaqaynta leeyihiin ee Sverigedemokraterna ayaa aad u doonaya dad badan oo ajaanib ahi in ay waddammadoodi dib ugu noqdaan.Wixii ka dambeeyey kalaguurkii qarnigii ina dhaafay iyo midkan aannu iminka ku jirno ayey laba jibaarmeen tirada lammaaneyaasha waayeelka wada nool ama is qaba ee kala taga. Sida ku cad daraasad la sameeyey.Farsamo-yaqaannada miinooyinka ee ciidanka ammaanka ayaa gaarey xarunta farasmagaalaha ee xaafadda Tjärna Ängar ee magaalada Borlänge.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    28/02/2023 Duração: 03min

    Iftinka midabk wata ee ah daahirada caanka ka ah waqooyiga fog ee Yurub, ayaa xalay si muuqata looga arkay inta badan dalka Sweden. Talaadada maanta oo bishuna tahay 28-ka feeberaayo ayaa ku beegan 37 guuradii ka soo wareegtay markii wakhti fiid ah, waddada lagu dilay madaxii xukuumadda ee waagaasi Olof Palme. Iibsiga buugagta dalka ayaa hoos u dhacay 125 malyan oo kronor sannadkii 2022, marka loo barbar dhigo sannadkii ka horreeyey ee 2021.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    27/02/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kulan cusub ayaa dhex mari doona Turkiga, Sweden iyo Finland. Kulankaa oo ku saabsan geeddi socodka ku biiridda Sweden iyo Finland ee Gaashaabuurta Nato.Weli boqolaal qof ayaa u dhimanaya caabuqa covid 19. Sannadkaan oo kaliya waxaa la geeriyoday fayruskaan qiyaastii shan boqol oo qof. Nidaamka waxbarashada fasalka ee Sweden ayaa inta badan waxay mas'uuliyadiisu saaran tahay ardayga taasoo si weyn uga duwan nidaamkii lagu yiqiin guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya sida uu sheegay Professor Cali Nuur

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    24/02/2023 Duração: 04min

    Sweden oo ku biirtay dalalka taangiyada casriga ah u diraya Ukraina. Deyn badan oo ay soo celisay hayadda ilaalinta deymmuhu. Bileyska oo hawada kala soconaya goobo Stockholm ka mida iyo warar kale.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/02/2023 Duração: 03min

    Saraakiil ka tacsiyeenaya geeriga sarkaalkiisare ee meydkiisa laga dhex helay aqalkiisa. Shil ka dhacay banaanka Hedimora oo dhallaan ku dhaawacmeen. Dab ka kacay goob macdan iyo reer Gotland oo aan weli ka soo kaban cidladii Covid19.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    22/02/2023 Duração: 03min

    Caruurta ku dhalatay Iswiidhen 2022 oo uu hoos u dhac ka muuqdo. Xafiiska shaqada oo dib u celinaya lacag aan la isticmaalin iyo safiirka turkiga oo la kulmay shaqaalihii badbaadinta Iswiidhen ee ka soo noqday Turkiga.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    21/02/2023 Duração: 03min

    Xisbiga SD oo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga u eryay arrimo la xiriria cunsuriyad. Socialdemokraterna oo soo jeediyay hindise hore uu u doonayay xisbiga M. Maalinta Afka hooyo oo maanta caalamka laga xusay.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    20/02/2023 Duração: 03min

    Wasiirka arrimaha dibedda Sweden oo soo dhoweeyay hadal ka soo yeeray dhigiisa Turkiga. Dowladda oo xil dheeri ah iska saari doonta daryeeka dhallaanka iyo dhalinta ee BUP iyo Misaajid ku yaalla Uppsala oociyaaro u qabta dhallinta sabti walba

  • Wararkii maanta ee Raadiyo Sweden

    17/02/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xarummaha daryeelka cudurrada dhimirka dhallaanka ee magacooda loo soo gaabiyo BuP oo dhaleeceeyn loo soo jeediyey.Hab maandoorin cusub oo ay dhallinyaradu isticmaasho ayey dakhaatiirtu ka digeyaan.Asbuuca soo socda gudihiisa ayaa ku beegan maalinta caalamiga ee luuqadda hooyo.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    16/02/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoggaamiyaha xisbiga socialdemokraterna  Magdalena Andersson  ayaa ka hadashay xogtii ugu dambeysaey ee ka soo baxday arrinta la xiriirta qishka laanat xisbiga ee degmada Botkyrka.Bileyska ayaa mar kale diiday ruux ka daldabay ruqsad ah in la gubo quraan, iyada oo kolkan la doonayay Quraan lagu hor gubo safaaradda dalka Ciraaq ku leeyahay Sweden.Waxaa jira wel wel ardayda barta afkooda hooyo ka qabaan baaritaan ay dowladda ku sammeyn doonto barashada luuqadaha hooyo si loo ogaado  in ay saameyn aan habooneyn ku leeyihiin barashada Afka Swedish ka iyo maadooyinka kale.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    15/02/2023 Duração: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shirkadda SAS, jaamicado iyo hayado lagu weerarey aaladda cyper-ka. Waxaa sheegtay koox isku magacaawday qarsooneyaasha Suudaan.Guddiga doorashooyinka ee isutagga ururrada kubbadda cagta Iswiidhen ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha isutaggaasi loo doorto madaxii hore ee xukuumadda Iswiidhen Fredrik Reinfeldt, sida uu ururku ku qoray boggiisa.Bryna oo ahayd gabar yar oo 11 jir ah ayaa nafta iska goysay, iyadoo aan wax wadahadal daryeel ah ka helin xarunta caafimaadka dhimirka dhallinyarada BUP.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    14/02/2023 Duração: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo talaado ah ayaa waxaa magaalada Bryssel oo xarunta Nato ku kulmay wasiirrada gaashaandhigga gaashaanbuurta Nato.Isniinta foodda innagu soo haysa oo ku beegan 20-ka bisha feeberaayo waxaa qalliin dhanka wadnaha ah lagu sameeyn doonnaa boqorka dalka Carl XVI Gustav.Qeybo badan oo dunida ka mid ah ayaa maanta waxay ku asteeysan tahay maalin jacayl ama Valentine's day.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Sweden

    13/02/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Gobolka Gävleborg ayaa waxaa ku nool dhallinyaradda da'dooda u dhaxeyso 18-24 oo ay heyso shaqo la'aanta ugu badan SwedenKobaca dhaqaalaha Sweden ayaa noqday midka ugu liita waddamada midowga Yurub, iyadoo Sweden tahay waddanka keliya ee uu dhaqaalihiisu is dhimay.Toddobaadka foodda innagu soo haya ayuu u bilaaban doonaa reer Göteborg toddobaadka fasaxa ee ciyaaraha "sportlovet."

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    10/02/2023 Duração: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kaniisadda Sweden ayaa dib u eegis ku samaynaysa u diyaar garoobideeda xaaladaha khatarta ah iyo dagaallada hubaysan.Waa in la mamnuco gubidda dhammaan kutubta muqadiska ah oo dhan, sidaas waxaa soo jeediyay Masaajidka Göteborg sida uu sheegay SVT Väst.Sida ay muujisay baaris ay samaysay laanta wararka Ekot, in ku dhowaad afartan degmo oo Sweden ah u ogolaadaan qaxootiga Yukrayn nidaamka waxbarashada afka swedishka ee SFI.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Sweden

    09/02/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Laba nin oo wejiga u duuban yahay isla markaana hubeeysan ayaa maalintii shalay nin maxbuus ah ka soo furtay isbitaal ku yaalla magaalada Norrköping.Maanta ayaa ku aaddan sannadguuradii ugu horreeysay ee ka soo wareegta markii dalka laga qaadey dhammaan xayiraadihii xanuunka safmareenka ee covid-19.Qaar ka mida dukaanada iibiya alaabooyinka gacan labaad ka ee ku yaalla Sweden ayaa qeyb ka ah howlo taakuleyn oo lagu caawiyo dad ku sugan  dalka gudihiisa iyo dibediisa.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    08/02/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ciidammada nabadsugidda Sweden ayaa sheegay in ay u jeedaan khatarta weerar ku wajahan Sweden ay kor u kacday, sida ay ku soo qoreen bartooda Twitter ka. Booliiska Stockholm oo u diiday ogolaansho in Qur'aanka lagu hor gubo safaaradda Turkiga ee Sweden.Sweden ayaa eegaysa fursad ah in dalka lagu qabto cayaaraha jiilaalka ee Olombikada adduunka Vinter OS 2030 ka.

Página 37 de 50