Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Informações:

Sinopse

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episódios

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    01/02/2024 Duração: 01min

    Shirkadda Stora Enso ayaa u baahan inay keydiso dhaqaale gaarsiisan ku dhowaad hal bilyan oo karoon. Waxaa gebi ahaanba la xaday gambaleelkii kaniisadda klockstapeln oo ku taalla duleedka Tyringe oo dhacda waqooyiga gobolka Skåne. Nin 20-tameeyo jir ah ayaa lagu xukumey kadib markii loo tiigsadey inuu jebiyay xeerka waxyaabaha qarxa ama dabka halista ah dhaliya.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    31/01/2024 Duração: 02min

    Haweenay hore ugu geysatay dil laba carruur ah oo ay dhashay ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa'in. Boqol ka mid ah ciidamaada kamaandooysta ee qaybta K3 ee magalada Karlsborg oo cuntada ka soomay dayrtii la soo dhaafay. Godadka ku yaala waddooyin baabuurta ayaa dhaawacyo u geysta gawaarida iyo shaagagoodaba.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    30/01/2024 Duração: 02min

    Isniintii ayaa eey dhawr jeer weerarey carruur lagu diley Göteborg. Ciidammada qalabka sida ayaa markii ugu horreeysay uu soo gaaray agabka difaac ee 23 D. Agabkan difaaca ayaa ah mid ku haboon haweenka. Ninkii curiyey fikirka xeegada kooxda Somalida Patrik Andersson mashruuca ishexgalka uu shil ku dhacay noloshiishii wax weyn ka bedelay.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    29/01/2024 Duração: 02min

    Tobankii qofba saddex ayaa bishii deceember 2023 iibsaday alaabooyin duug ah. Dhallaan dhigta dugsiyo kala duwan ayaa maanta fursad u heli doona iney la xiriiraan cirbixiyeenka iswiidhishka ee Marcus Wandt. Daarta xarunta u ah maxkamadda degmada Södertälje ayay mulkiyadeeda leedahay shirkad uu maamulo nin la sheegay inuu awood weyn ku leeyahey shabakadda dambiilayasha Södertälje.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    26/01/2024 Duração: 02min

    Digniinta casaanka ah ee qulqulka biyaha badan ee Kävlingeån ee gobolka Skåne ayaa weli halkiisa jooga. Wiil 15 jir ahaa ayaa lagu xukumay 12 kiis oo sumcad dil ah, isla markaana inuu bixiyo magdhow dhan nus milyan karoon. Shaqaale boqolaal gaaraya ayaa halis ugu jira iney shaqadooda ku waayaan xafiiska shaqada.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    25/01/2024 Duração: 01min

    Ra'iisul Wasaare Ulf Kristerssons ayaa hadda ka jawaabay martiqaadkii Ra'iisul Wasaaraha Hungary. Magaalada Hörby ee gobolka Skåne, barafkii iyo roobabkii da'ay ayaa keenay in harooyinka iyo durdurrada ay ka sarreeyaan. Afar ayaa loo xiray isku day dil.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    24/01/2024 Duração: 01min

    Midowga Yurub wuxuu adkeeynayaa sharciyada ka ganacsiga dadka. Raii'sul wasaaraha Hungary Viktor Orbán ayaa wadahadal la yeeshay xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg. Dhowr qof ayaa la xiray ka dib howlgal ballaaran oo boolisku ka sameeyeen magaalada Avesta.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/01/2024 Duração: 02min

    Kala duwanaanta dakhliga bulshada soo gala oo markii ugu horeeysay aad sara ugu kacaykadib markii cabbirka la bilaabey sannadkii 1975-kii. 7 qof oo waayeel ah oo u geeriyoodey kalluunka nooca Lax-ka. Maamulka degmada Malmö ayaa carrabka u laalaadiyey qorshaha xeerka in nawaaxiyada qaarkood laga abuuro is-baaris.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.

    22/01/2024 Duração: 02min

    Dabeysha badan ee dhacaysa ayaa ka dhigan tahay in wax soo saarka korontada dabayshu ay ku dhowdahay inay jabiso rikoodhada. Tirada ardayda wax ka barata jaamacadaha iyo kulliyadaha ee laga caawiyo autismka iyo ADHD aad ayay u kordheysaa. Wiil 15 jir ah ayaa tooreey lagu dilay xilli uu ku sii jeeday xaflad iskuul.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    19/01/2024 Duração: 02min

    Waa in la dardargeliyo diyaargarowga howlaha caafimaadka ee dalka Iswiidhen si loo wajihi karo haddii uu dagaal ama masiibo ey dalka soo wajahaan. Iswiidhen waxay ka qayb qaadanaysaa dhoolatus wayn oo NATO ah. Afar sannadood oo xarig ah ayaa lagu riday mid ka mid ah horjoogeyaasha goob daryeelka ilkaha ee ku taalla nawaaxiga Stockholm.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    18/01/2024 Duração: 02min

    Muwadin Iswiidhish ah oo da'diisuna tahay 60-dameeyo jir ayaa lagu qabtay dalka Iiraan. Cimilada qabow ayaa halkeedii ka sii wada inay saameeyn ku yeelato safarrada tareennada. Xaalad taagan maahan in dalka Israa'iil laga mamnuuco ka qeybqaadashada sannadka ee tartanka heesaha hirgaley ee Yurub - Eurovision Song Contest oo ka dhici doona magaalada Malmö.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    17/01/2024 Duração: 02min

    Dilaagii boliiska ee Jackie Arklöv ayaan xabsiga la sii deyn doonin sannadaha foodda innagu soo haya. Ey weerar ku qaaday saddex caruur ah muddo gaaban gudaheed ayaa la dili doonaa, sida ay sheegeen maamulka gobolka Halland. Tirada dadka ku dhinta shilalka waddooyinka oo kor u kacday.

  • Wararka maanta ee Raadiyaaha Iswiidhen

    16/01/2024 Duração: 02min

    Shaqo la'aanta oo si aayar ah u sii kordheysa. Calool xanuunka ee carruurta ayaa aad hoos ugu dhacay sannadihii u dambeeyay. Shirkadda soo saarta batariga ee Northvolt ayaa maalgelin balaayiin karoon ah ku samaynaysa Skellefteå.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    15/01/2024 Duração: 02min

    Wiil 16 jir ah ayaa loo xidhay tuhun ah in uu dilay wiil ay isku da' ahaayeen dilkaasi oo ka dhacay gobolka Skåne. Caawa ayaa lagu abaalmarinayaa biladda Guldbaggegalan qofkii muujiyey dedaalkii ugu fiicnaa sanadkii hore filimada Iswiidhishka. Warbixin ayaa muujisay in dadka Iswiidhishka ahi ay aadi jireen matxafyada sannadkii hore in badan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.

    12/01/2024 Duração: 01min

    Baasaboorka Iswiidhishka, waxaa lagu tegi karaa 193 waddan. Isticmaalka lacagta caddaanka ahi ma noqon doonto mid suusha. Xumbada qubayska ee carruurta ayuu si fudud dab u qabsan karaa.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    11/01/2024 Duração: 01min

    Buuga xaaladda degdegga ah ayaa u gadis badan. Hooyo da, yar iyo gabadheeda oo hal sano jirta ayaa dhintay dayrtii la soo dhaafay kadib markii ay ku sumoobeen boqoshaaga. Ey ayaa weerar ku qaaday wiil yar oo ku sugnaa xaafadda Kortedala ee Göteborg.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    10/01/2024 Duração: 02min

    Nin maanta lagu xukumay sagaal sano iyo bar xarig ah. Shaqa ka fariisiga ka dhici doona dareewallada tareemmada dalka Jarmalka. Hoos ayaa loo dhigay dacwad laaluush ahayd oo lagu soo oogay siyaariyiin.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    09/01/2024 Duração: 02min

    Dugsiga Smedhagsskolan oo ku yaalla xaafadda Hässelby ayey dhallaanku waxbarashada bilaabaan sagaalka subaxnimo afar maalmood asbuucii, waana arrin socday muddo toban sannadood ah. Waana mid caafimaadkooda wax ka bedeshay. Khatar ka taagan baraf-dumid soo wajahda buuraha taxaneyaasha Sweden ee Fjällen. Maamulka degmada Uppsala oo doonaya inuu shaqaaleeysiiyo kalkaaliyeyaal, si ajaaniibta aan afka si fiican u aqoon ey goobahaasi uga shaqeeyn karaan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    05/01/2024 Duração: 02min

    Sannadka 2024 ayaa ku biloowday cimilo aad u qabow, halka bisha jannaayo ahayd middii ugu qaboobeyd muddo 25 sannadood ah. Ciyaaryahannada ug wanaagsanaa kubbadda cagta ee sannadkii 2023 ayaa loo aqoonsaday Dejan Kulusevski iyo gabadha Elin Rubensson. Waalidka wiil dhigta fasalka lixaad ee magaalada Borås ayaa dacwad faqooq ah ka gudbiyey iskuulka uu wiilkoodu dhigto, sida ay ku soo warrantay laanta idaacadda ee P4 Sjuhärad.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    04/01/2024 Duração: 01min

    Ka hor inta lagaarin maalinta Jimcaha ayaa qiimaha korontadu si weyn kor ugu kici doonaa. Xaaladda waddooyinka ayaa dalka intiisa badan ah mid dhib badan. Qiimaha batroolka iyo naaftada ayaa kor loo qaadey iminka 30 öre litirkiiba.

Página 6 de 25