Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editora: Podcast
  • Duração: 24:40:16
  • Mais informações

Informações:

Sinopse

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episódios

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    07/12/2023 Duração: 02min

    Amaanka Iswiidhen ayaa aad u xumaaday xiliga dayrta. Dhaqtar ku dhaqan degmada Kronoberg ayaa la sheegay in uusan u helin waqti uu ku maareeyo natiijooyinka baaritaanka. Maalinta Jimcaha ee beri ah waxa magaalada Stockholm laga furayaa bandhiga dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    06/12/2023 Duração: 02min

    Maxkamadda racfaanka ayaa hakisay go'aankii maxkamadda degmada ee ahaa in hay'adda gaadiidka ay tahay inay tesla siiso taarikooyin. Maamulka degmada Staffanstorp, oo gu'gii 2022 joojiyay qaabilaadda tirada qaxootiga ah ee degmada, ayaa hadda waxaa baaraya dacwad oogayaasha iyo booliiska. Caafimaadka dumarka soo galootiga ah ayaa ka liita dumarka Iswiidhishka ama halka ku dhasha.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    05/12/2023 Duração: 02min

    Xisbiyada Socialdemokraterna, Vänsterpartiet iyo Miljöpartiet ayaa uga gudbiyay guddihoosaadka dastuurka ee baarlamaanka dacwad la xiriirta habka loo maro mushaar-dejinta howlwadeennada madaxtooyada. 50 boqolkiiba haweenka uurka ayaa ah kuwo cayilan marka ey iska diiwaangelineyaan xarunta daryeelka hooyooyinka uurka leh. Natiijada iskuullada ee ardeyda Iswiidhishka ayaa aad hoos ugu dhacay, sida ku cad baarista cabbirkii isbarbardhiggii ugu dambeeyey ee PISA oo maanta la soo bandhigey.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    04/12/2023 Duração: 01min

    Warbixin sir ah oo ay heshay shirkadda warbaahinta dadweynaha Finland ee Yle ayaa shaacisay sida Ruushku u qorsheeyay inuu carqaladeeyo hannaanka Iswiidhen iyo Finland ee ka mid noqoshada gaashaan-buurta NATO. Ku dhawaad labadii degmaba mid ayaa waxa ay qorshaynasaa iney dhimaan dugsiyada dhaqammada afarta sano ee soo socoda Xukuumadda ayaa soo jeedisay fikir la filayo in uu hirgelo bisha Febraayo, midkaas oo ah in qofka laga mamnuuci karo tegista goobaha qaar si looga hortago dembiyada.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    01/12/2023 Duração: 01min

    Nofembertii ugu mugdi badnayd. Nin taariko ka xaaday gaadhi Boliis oo shallaayay markii la qabtay. Wiil indha la' oo jaamacad ka baxaya.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    30/11/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Aradey jaamacadda laga eryay iyo qaar digniin la siiyey.Dhiig la'aan ka taagan mandiqadda Västerbotton.Qiimaha dirista waraaqaha oo kor loo qaaday.Dadka u dhinta wadne-xanuunka oo hoos u dhacay Iswiidhen.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    29/11/2023 Duração: 02min

    Dawlada oo kordhin doonta lacagta dulsaarka ah ee la saaro deynta ardaydu qaataan sanadka soo socda. Dhakhtar ka hawlgeli jirey Norbotten oo shahwadiisa ku bacrimeyey haween xili uu ka hawlgalayey qaybta bacriminta. Iswiidhan ayaa sanadkan qaadan doonta qaxoontigii ugu yaraa tan iyo 2016.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    28/11/2023 Duração: 02min

    Way adag tahay in telefoon lagu gaadho hayada caymiska dadweynaha shaqaale dhimis la sameeyey awgeed. Dhallaanka fasallada sideed ee Iswiidhen oo kaalinta labaad ka galay su'aalaha arrimaha bulshada iyo Dimuqaradiyada. Walaal ila Orod waa olole laga bilaabay Malmö 2019 kuna faafay Iswiidhen iyo wadamo ka baxsan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    27/11/2023 Duração: 02min

    Waxyeellooyinka ra'sumaal ayaa ku soo badanaya iskuullada Falköping. Waxaa jiri doona baraf badan oo ku teedsan xeebta Norrland malmaha Talaadada iyo Arbacada. Goobo ka mid ah Soomaaliya ayaa ku jira xaalad adag ka dib markii daadad iyo fatahaado ay ka dhaceen gobollada qaar.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    24/11/2023 Duração: 02min

    Xukuumadda Iswiidhen ayaa iminka ka falcelisay muuqalkii lagu faafiyey gaar ahaan aaladaha bulshadu ku kulanto luuqadda carabiga, halkaasina oo si khaldan loo tarjumey hadal uu ka soo yeeray madaxa xukuumadda Iswiidhen, Ulf Kristersson. Kooxda kubbadda cagta haweenka Häcken oo ka guuleysatay kooxda Real Madrid. Barnaamij ku saabsan xanuunka covid-19 iyo mawjada cusub oo xanuunkaasi ah oo laga dareemayo dalka Iswiidhen.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/11/2023 Duração: 02min

    Wakaaladda maamulka iskuullada Skolverket ayaa u soo bandhigtay xukuumadda warbixin la xiriirta in la dheereeyo saacadaha waxbarasho ee dhallaanka dhigta dugsiyada hoose fasallada 1-3. Qiimaha cunnada ee iskuullada ayaa cirka isku shareeray, middaasina oo degmada u soo jiidda kharash badan oo kaga baxa. Bangiga qaran ayaa kor u qaaday ribada hagista siddeed jeer wixii ka dambeeyey bishii Feeberaayo ee sannadkii 2022, si loola dagaalamo sicirbararka.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    22/11/2023 Duração: 03min

    Borofisar ku takhasusay badbaadada waddooyinka Astrid Linder oo ka mid noqotay 100-ka haween ee ugu saamaynta badan siday soo bandhigtay shirkadda adeegga dadweynaha ee Ingiriiska ee BBC. Furriinka hurddada, oo loola jeedo in qolal kala duwan la seexdo ayaa badbaadin karta hurddada iyo xiriirka lammaanahaba, sida uu sheegay caalinka baaraha hurddada Christian Benedict. Shirkadaha kaalmadu waxay ku shaqeeyaan gargaar shakhsiyeed, oo ay ku jiraan dadka naafada ah oo musuq ku shaqeeya.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    21/11/2023 Duração: 03min

    Iyada oo uu jiro farqi dhanka caafimadka ilkaha ah ayaa haddana dhakhaatiirta ilkuhu waxay xoojinayaan muhiimada cadaygu leeyahay. Degmada Stockholm ayaa shaacisey inay diyaar u tahay martigelinta tartanka qaboobaha ee olambikada sanadka 2030. Xiligan ardayda dugsiyada dhexe dooranayso barnaamijyada dugsiga sarre ayay la kulmaan caqabado kala duwan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    20/11/2023 Duração: 02min

    Kaliya 38 boqolkiiba dadka Iswiidhishka ah ayaa iska hubiya macluumaadka ay qadka internet-ka ku arkaan in uu yahay mid sax ah iyo in kale. Liiska cusub ee dembiilayaasha la raadinayo ee Yurub ku dhaqan sannadka 2023 ayeey ku jiraan 3 Iswiidhish ah. Barnaamij uu Raadiyaha Iswiidhen ka wareeysanayo waalidiin ka hadlayaan arrinka dhaqan celiska ee carruurta dalkii loo geeyo.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    17/11/2023 Duração: 02min

    Khaladaad culus ayaa dhacay markii guddiga arrimaha bulshada ee degmada Älvsbyn ay go'aansadeen in saddex carruur ah, oo hore loo dejiyay guryaha qoyska ama 'familjhem', dib loogu celiyey waalidkood. Kooxda kubbadda cagta ragga ee Iswidhen ayaa maalintii shalay gul dari weeyn kala kulmeen dhigooda Asarbayjan. Hordhac waraysi uu Raadiyaha Iswiidhen la yeeshay Kristian Svenberg oo muddo 20 sannadod uu dhakhtarnimo kaga shaqeeynayay xaafadaha danyarta iyo ajaanibtu ku badantahay.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    16/11/2023 Duração: 02min

    Baarlamaanka Turkiga oo maanta oo Khamiis ah ka dooday ka mid noqoshada Iswiidhen ee NATO balse aan wali go'aan rasmi ah ka gaarin. Wiil 16-jir ah oo dil u geeystay wiil ay isku da' yihiin ayaa lagu helay dembi. Hey'adda canshuuraha ayaa bilaabeeysa baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan guryaha dadka si ay wax uga qabato dhibaatada dad badan si qaldan ugu diiwaan gashan yihiin

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    15/11/2023 Duração: 02min

    Baraf ayaa ka da'aya koonfurta dalka Iswiidhen. Shirkadda soo sarto ukunta oo digaagi ay dabar jartay loo isticmaali doono kuleeyliye. Barnaamij ku saabsan muhiimada ay leedahay xirashada bidhaamiyaha la isticmaalo mugdiga ee xiliga jilaalka.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    14/11/2023 Duração: 02min

    Xanuunka xiiqdheerta ayaa halis ku noqon kara dhallaanka da'da yar, waana mid ku sii faafaya imikadan Sweden, sida ku cad tirakoob ka soo baxday hayadda caafimaadka bulshada - Folkhälsomyndigheten. Jaamicadda teknikada Chalmers oo ku taalla magaalada Göteborg ayaa mamnuucday bannaanbaxyada siyaasadda iyo tabbeeleeynta, sida uu qoray wargeeyska Göteborgs-Posten. Hinda Mohamud waxay ka tirsan tahay shirkada Connecto oo dadka ka caawisa helida shaqada waxaanay arrintan ku heshay abaalmarin.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    13/11/2023 Duração: 02min

    Gobollada dalka Iswiidhen ayaa soo wajahay xilli xaalad dhaqaalaha oo aad u adag. Tirada dadka ka soo baxaya Qaza isla markaana ku soo socdo Iswiidhen ayaanan xukuumadda xisaabinenyin in ay dhammaantooda ka soo gudbaan Qaza Isniinta maanta. Illaa hadda sannadka ayey tiradkii ugu badneyd abid oo geeriyoota ey ku yabooheen xubnahooda marka loo barbardhigo sannadkii 2022.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    10/11/2023 Duração: 02min

    Tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa'iil, iskuulada ayey ka dhaceen caqabado Yuhuud naceyb. 104 qof oo kulan isugu yimid Jönköping gabagabadii bishii oktoobar ayey soo wajaheen shuban, matag iyo calool xanuun daran. Haweeney ka howlgasha maxkamadda Attunda ayaa lagu tuhunsan yahay dembiga xograadin aanay xaq u laheyn, iyo dembi culus ee xogdhowrid la'aan, islamarkaana u gudbisay shabakad dembiyeed xogta ah in boliisku uu dhageeysto.

Página 8 de 25