Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editora: Podcast
  • Duração: 23:56:02
  • Mais informações

Informações:

Sinopse

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episódios

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    11/01/2024 Duração: 01min

    Buuga xaaladda degdegga ah ayaa u gadis badan. Hooyo da, yar iyo gabadheeda oo hal sano jirta ayaa dhintay dayrtii la soo dhaafay kadib markii ay ku sumoobeen boqoshaaga. Ey ayaa weerar ku qaaday wiil yar oo ku sugnaa xaafadda Kortedala ee Göteborg.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    10/01/2024 Duração: 02min

    Nin maanta lagu xukumay sagaal sano iyo bar xarig ah. Shaqa ka fariisiga ka dhici doona dareewallada tareemmada dalka Jarmalka. Hoos ayaa loo dhigay dacwad laaluush ahayd oo lagu soo oogay siyaariyiin.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    09/01/2024 Duração: 02min

    Dugsiga Smedhagsskolan oo ku yaalla xaafadda Hässelby ayey dhallaanku waxbarashada bilaabaan sagaalka subaxnimo afar maalmood asbuucii, waana arrin socday muddo toban sannadood ah. Waana mid caafimaadkooda wax ka bedeshay. Khatar ka taagan baraf-dumid soo wajahda buuraha taxaneyaasha Sweden ee Fjällen. Maamulka degmada Uppsala oo doonaya inuu shaqaaleeysiiyo kalkaaliyeyaal, si ajaaniibta aan afka si fiican u aqoon ey goobahaasi uga shaqeeyn karaan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    05/01/2024 Duração: 02min

    Sannadka 2024 ayaa ku biloowday cimilo aad u qabow, halka bisha jannaayo ahayd middii ugu qaboobeyd muddo 25 sannadood ah. Ciyaaryahannada ug wanaagsanaa kubbadda cagta ee sannadkii 2023 ayaa loo aqoonsaday Dejan Kulusevski iyo gabadha Elin Rubensson. Waalidka wiil dhigta fasalka lixaad ee magaalada Borås ayaa dacwad faqooq ah ka gudbiyey iskuulka uu wiilkoodu dhigto, sida ay ku soo warrantay laanta idaacadda ee P4 Sjuhärad.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    04/01/2024 Duração: 01min

    Ka hor inta lagaarin maalinta Jimcaha ayaa qiimaha korontadu si weyn kor ugu kici doonaa. Xaaladda waddooyinka ayaa dalka intiisa badan ah mid dhib badan. Qiimaha batroolka iyo naaftada ayaa kor loo qaadey iminka 30 öre litirkiiba.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    03/01/2024 Duração: 01min

    Habeenkii Arbacada soo galaysay ayaa ahaa habeenkii ugu qaboowga badnaa dalka Iswiidhen muddo 25 sanno ah. Caabuqa hargabka ayaa u muuqda mid ku sii badanaya magaalooyin dhowr ah, halka uu Covid-19 u sii yaraanayao kadib fasaxa Kirismaska. Saddex qof oo hub iyo daroogo u kaydiyay shabakada Foxtrot ayaa maanta lagu xukumay xabsi dheer.

  • Wararka maanta ee Raadiya Iswiidhen

    02/01/2024 Duração: 01min

    Tirada shirkadaha oo sannadkii hore kaceen ayaa ahayd tii ugu badnayd tan iyo xiisaddii dhaqaale ee sagaashamaadkii. Waxaa mar kale shil kale ka dhacay goob shaqo oo uu ku geeriyooday qof shaqaale ah. Dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 20 iyo 23 jir ayaa aad ugu badan kuwa seega ballamaha ilkaha ee loo qorsheeyay.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    29/12/2023 Duração: 02min

    Hilib badan oo nooca kebaabka loo yaqaan ama xaleefka ayaa laga ogaadey shirkad jumlad wax uu iibisa gobolka Dalarna inuu ku jiro hilib faras. Khilaaf ka dhex aloosmey kooxaha gaangiska ah ayaa wuxuu abuuray qaraxyo iyo toogashooyin saameeyey bulshada 2023. Laanta afka Soomaliga ee Raadiyaha Iswiidhen ayaa rayiga dadka weydiisey inay nala wadaagaan dhacdooyinkii xusuusta lahaa ee sanadka soo marey.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    28/12/2023 Duração: 02min

    Roobab iyo baraf is wata ayaa ka dhigaya mid ku adag isu socodka gaadidka qaybo badan oo Iswiidhan ka tirsan. Waddammada Bulgaariya iyo Rumeeniya ooqeyb ka noqoneya heshiiska xududuudda furan ee EU waxa lagu magacaabo Schengenområdet. Xayawaanka ren-ka lagu magacaabo ee u eg cawsha ama deerada ayaa seexda muddada uu raamsanayo.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    22/12/2023 Duração: 01min

    Haweenkii ugu badnaa abid ayaa sannadka la dhigey rummaanka dalkan Iswiidhen. Shirkadda khamaarka ee Betsson ayaa lagu xukumay inay siiso magdhow lix malyan gaarsiisan nin khamaaryahan ah oo la il-darnaa qabatinka khamaarka. Mar dhowaantan lagu hayay nadaafad ballaaran maxaddada tareenka dhulka hoostiisa mara ee Kungsträdgården ayaa si kam'a ah biyo loo raaciyay caaracaaro ku dhif ah dalka.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    21/12/2023 Duração: 02min

    Caawa ayaa noqon doonta habeenka ugu dheer ee mugdiga. Nin 20-meeyo jir ah oo lagu xukumey xabsi daa'in ah dil ka dhacay Stockholm kuleeylihii. Shirkadaha iyo ururrada dhismaha ayaa dalbaday iney la kulmaan madaxa xukuumadda Iswiidhen Ulf Kristersson.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    20/12/2023 Duração: 01min

    Shaqaalah ka hoowlgala ciidammada asluubta ayaa intooda badan loo sameeyn doona mushahar kordhin. Inka badan 20 300 oo shillin oo la helay ayaa la soo gaarsiiyay hay'adda rugta dawliga ee xayawaanka. Ardey 200 gaaraysa ayaa gurigooda ku nagaan doona ka dib fatahad ay bulaacadaha ku soo baxeen iskuul ku yalla Kiruna.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    19/12/2023 Duração: 01min

    Qaar ka mid ah reer Karlskrona ayaa xalay hurda la'aan ku dhacday kadib markii uu gambaleelka kanisaddu uu muddo saacad iyo dheeraad ah dhawaaqayay . Baaritaankii la xiriiray haweeneeydii iyo wiilkeeda oo ku geeriyoodey biyaha u dhaxeeya Poland iyo Karlskrona ayaa haatan lasoo afjaray. Laanta afka Soomaliga ee Raadiyaha Iswiidhen ayaa wareeysi la yeelatay Dr. Abdirahman Hashi oo ka hadlaya muhiimaada Fitaamin D-ga.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    18/12/2023 Duração: 02min

    Shantii shaqaale oo ku geeriyooday shilkii wiishka ayaa maanta goobaha dhismaha ee dalka oo dhan ayaa manta hal daqiiqo oo aamusnaan lagu xusay. Lix qof oo kale ayaa dacwad lagu soo oogay ku waas oo lagu eedeeyay in waxyeello ay geysteen qalaasahi ka dhacay Malmö kaas oo la xiirary gubista kitaabka Qur'aanka. Laanta afka Soomaaliga ee Raadiyaha Iswiidhen ayaa wareeysi gaar ah la yeeshay filin soo saare Khadar Aydaruus.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    15/12/2023 Duração: 02min

    Laba qof ayaa lagu soo oogay inay isku dayeen dilka 15 qof ka dib toogasho ka dhacday xaafada Gotsunda ee magaalada Uppsala. 164 qof oo kale oo ka soo jeeda degmada Kallinge ee Blekinge ayaa dacwaynaya shirkadda biyaha ee degmada Ronneby - dhaawacyo ay sheegeen inay ka soo gadheen biyo la cabbo. Markii ugu horeysay xaafadaha Rinkeby-Kista ee Järva oo la qorshaynayo in ciida soonka looga dabaaldego.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    14/12/2023 Duração: 02min

    Boliiska gobolka Skåne ayaa loo fasaxay iney aad u hubeeysnaadaan inta lagu guda jiro ciidda Kirismaska. Qiimaha cunnada ayaa mar kale kor u kacay bishii nofeembar, marka loo barbardhigo oktoobartii ka horreeysay. Filim sameeye Axmed Cabdillahi ayaa wareeysi ku saabsan filimkiisa 'Amina' siiyayay laanta afka Soomaliga ee Raadiyaha Iswiidhen.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    13/12/2023 Duração: 02min

    Heshiis cusub oo dhinaca cimilada ah oo uu caalmku gaarey. Gudiga shilalka ee gobolka ayaa bilaabay baaritaan ku aadan waxa sababay shilkan. Waxay u egtahay inay noqon doonto laba sano oo adag oo dhanka suuqa shaqada ah.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    12/12/2023 Duração: 02min

    Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen Warbixin laga soo saaray ururka Ibn Rushdi.Khiyaamo baahsan qiimaha iibka ee netka.Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo hamigiisa badda.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen.

    11/12/2023 Duração: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    08/12/2023 Duração: 02min

    Tirada shaqa-la'aanta dhallinyarada ku dhaqan gobolka Stockholm ayaa kor u sii kacaday. Wakaaladda bii'ada goobaha shaqada ayaa shaaca ka qaaday iney xeerilaaliyaha u gudbisay dacwad ka dhan ah boliiska, middaasina oo la xiriirta habkii boliisku u maareeyay xaaladdii sarkaalkii sare ee boliiska Mats Löfving oo meydkiisa laga heley gurigiisa bishii feeberaayo. Matxafka buugaagta ee Rinkeby ayaa bilaabay 35 sanno ka hor, in uu casuumo qoraayaasha ku guuleeysto biladda Nobel-ka ee suugaanta.

Página 10 de 25