Sinopse
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episódios
-
Somalia News - Warkii Soomaaliya: Arbaco 4 November 2025
05/11/2025 Duração: 09minWasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, guddiga doorashooyinka madaxa bannaan iyo madax kale, ayaa ka qayb galay, shir lagu soo ban-dhigay shirkad caalami ah oo baadhitaan ku samaysay, nidaamka codbixiyayaasha ee guddiga doorashooyinka qaranka.
-
Saameynta xabsigu ku yeesho dhallinta First Nations iyo baaritaan lagu samaynayo
05/11/2025 Duração: 11minDowlad-goboleedyada hoos yimaada Australia ayaa waajihi doona baaritaan baarlamaan oo ku saabsan natiijooyinka iyo saameynta xarigga dhalinyarada. Waxaa kale oo il gaar ah lagu eegi doonaa, sababta carruurta ka soo jeedda First Nations, si xad-dhaaf ah loogu xiro xabsiyada.
-
Ingiriiska gudihiisa oo rakaab tareen saaran mindi lagu weeraray
04/11/2025 Duração: 08minMaalinkii Sabtida oo bisha November ahayd 1, ayaa train ku safraya gudaha dalka Ingriiska waxaa mindi lagu dhaawacay 11 oo ka mid ah dadkii saarnaa train-ka. Booliiska Ingriiska ayaa sheegay inaanay jirin wax caddeyn ah oo muujinaysa in weerarkaasi la xiriiray argagixiso.
-
Xisbiga National-ka oo si rasmi ah uga baxay qorshaha Net Zero - 2050
04/11/2025 Duração: 09minXisbiga National-ka ayaa si rasmi ah uga baxay taageerada siyaasadda Australia ee qorshaha net zero, waa dhimista qiiqa’e, sanadka 2050, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Canberra. Go’aankan ayaa dhalinaya khilaaf suurtagal ah oo dhexmara xisbiga Liberals, oo iyaguna dib u eegaya habka ay u wajahaan isbeddelka cimilada, kadib guuldarradii kasoo gaartey doorashadii Federalka ee lasoo dhaafay.
-
SBS News Somali - Warka Talaado: 04 November 2025
04/11/2025 Duração: 04minDad uu dooda xuquuqda bulshada ayaa ku tilmaanay ciqaab, qorshe cusub oo oggolaanaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Australia uu lacagta daryeelka bulshada ka gooyo, qofkii loo jaro waraaqda soo qabashada oo la xiriirta dembiyo halis ah oo galmo.
-
SBS News Somali - Warkii Isniin: 03 Novermber 2025
03/11/2025 Duração: 05minQof kasta oo u qalma Medicare ayaa hadda daaweynta dhakhtarrada bilaash ku helaya. Mas'uulka ugu sarreeya shirkada Optus ayaa diidey inuu ruqsasto, ka dib markii Seneterro ka ka tirsan xisbiga is-bahaysigu weydiiyeen su'aalo.
-
Understanding treaty in Australia: What First Nations people want you to know - Australia Explained: Fahmidda "Treaty" - Waxa ay dadka dhulka loogu yimid rabaan inaad ogaato
02/11/2025 Duração: 08minAustralia is home to the world’s oldest living cultures, yet remains one of the few countries without a national treaty recognising its First Peoples. This means there has never been a broad agreement about sharing the land, resources, or decision-making power - a gap many see as unfinished business. Find out what treaty really means — how it differs from land rights and native title, and why it matters. - In kasta oo Australia ay hoy u tahay dhaqamada adduunka kuwa ugu da'weyn ayaanay hadda weli aqoonsanin, heshiisna la gelin dadyowga dhulka loogu yimid ee la yiraahdo First Peoples. Taasoo macneheedu yahay inaan heshiis baahsan laga gaarin wadaagidda dhulka, khayraadka iyo awoodda go'aan-qaadashada. Baro oo wax ka ogow "Treaty" macnahiisa, sida uga duwan yahay 'xuquuq dhul iyo sababta uu muhiim u yahay:
-
SBS News Somali - Warkii Australia iyo caalamka: 31 October 2025
31/10/2025 Duração: 09minGobolka Victoria ayaa noqday gobolkii ugu horreeyey ee heshiis (Treaty) la galay dadka dhulka loogu yimid. Prince Andrew oo ah Boqor Charles walaalkii ayaa laga qaaday dhammaan cinwaanadiisii boqortooyada.
-
Somalia News - Warkii Soomaaliya: Jimce 31 October 2025
31/10/2025 Duração: 10minMadaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo wufuud kale ayaa ka qayb galay shirka xuska shirkii nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta - Djibouti
-
What are Australia’s fishing laws and rules? - Australia Explained: Sharciyada iyo xeerarka kalluumaysiga Australia ma taqaannaa?
30/10/2025 Duração: 12minThinking of going fishing in Australia? Make sure you are familiar with local regulations, including licensing systems, closed seasons, size limits, permitted gear, and protected species. - Ma rabtaa inaad kalluumaysi u baxdo? Hubi inaad taqaanno xeerarka iyo sharciyada, sida ruqsadaha kalluumaysiga, xilliyada aan la oggolayn kalluumaysiga, xajmiga kalluunka, qalabka kalluumaysiga iyo nooca dabar-go'a halis u ah ee aan la jillaaban karin.
-
Booliska Brazil oo xasuuq lagu eedeeyey shirka COP-30 ka hor
30/10/2025 Duração: 09minIyadoo uu shirweynaha cimilada ee qarammada midoobey todoobaad ka dib, ka bilaabmi doono dalka Brazil, ayaa booliiska Brazil, si lama filaan ah weerar ugu qaaday koox ka mid kuwa dembiyada abaabulan. Weerarkaas ayaa lagu sheegay inuu noqday kii booliska brazil ee ugu dhimashada badnaa. Wufuud kumanyaal ah ayaa la filayaa inay kasoo qayb galaan shirka.
-
Dareenka ka mid ahaansha Australia ee bulshooyinka kala luqadaha duwan
30/10/2025 Duração: 06minWarbixin cusub oo ay wada-jir usoo saareen SBS iyo Jaamacadda Canberra University, ayaa shaaca ka qaadday in dareenka ka-mid-ahaanshaha bulshada, ee bulshooyinka kala dhaqanka duwan ee Australia, uu kor uu kacay marka la barbar dhigo heerkii uu marayey sanadkii 2023.
-
SBS News Somali - Warka Khamiis: 30 October 2025
30/10/2025 Duração: 04minLabaatankii kun ee ugu dambeeyey ee xidhmooyinka daryeelka guriga ee waayeelka ayaa maanta la kala qaatay. Hay'adda WHO-na waxay sheegtay 460 qof lagu dilay cisbitaal ku yaalla Darfur oo hooyooyinku ku umulaan, Weerarka ayaa lagu eedeeyey ciidamada paramilitary-ga ee Suudaan.
-
SBS News Somali - Warkii Arbaco: 29 October 2025
29/10/2025 Duração: 11minWarkii maanta ee Australia iyo caalamka ee maanta oo Arbaco ah
-
Somalia News - Warkii Soomaaliya: Arbaco 29 October 2025
29/10/2025 Duração: 12minWarkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya
-
Kidney PBS - Daawo loo raqiisiyey cudurka kelyo-xanuunka
29/10/2025 Duração: 05minDowladda federaalka ayaa barnaamijka Pharmaceutical Benefits Scheme (PBS) ku dartay daawo lagu daweeyo cudurka kelyaha. In ka badan 65,000 oo reer Australia ah ayaa la filayaa inay ka faa’iidaystaan helitaanka daawadan oo la yiraahdo Jardiance.
-
SBS News Somali - Warka Talaado, 28 October 2025
28/10/2025 Duração: 04minShirkadaha warbaahinta bulshada ayaa aqbalay inay hir-geliyaan sharciga dowladda ee carruurta ka ayar 16-jir ka xakamayn doona barasha bulshada. Website cusub oo lagu qori doono magaca xannaanada carruurta jebis sharciga badbaadada carruurta.
-
Akhriska iyo qoraalka dadka waaweyn oo hooseeya iyo saameynta fursadaha shaqada
28/10/2025 Duração: 08minShantii qof ee Australian ahba mid ka mid ah oo u dhiganta, ku dhawaad saddex milyan oo dadka da'da weyna ah, ayaa xirfaddoodda akhriska iyo xisaabaadku hooseysaan, taas oo si weyn u saameyn karta noloshooda maalin-laha ah.. Barnaamijyo ayaa dalka oo dhan ka socda loogu talo galay in ay dadku ku hore-mariyaan xirafahooda, uguna gaadhaan yoolka noloshooda
-
SBS News Somali - Warkii Isniin: 27 October 2025
27/10/2025 Duração: 04minHaya'dda ACCC oo Microsoft Australia ku furtay dacwad ku saabsan inay macaamiisheeda marin-habaabisay. Canada-na waxay sheegtay inay ku talo jirto inay dhoofinta ganacsigooda u jiheyn doonaan dalal aanu maraykan-ku ku jirin.
-
Barnaamijkii Jimcaha 24 October 2025 oo dhammays tiran.
27/10/2025 Duração: 51minBarnaajimkii Jimce, 24 October 2025, oo dhammays tiran oo laga reebay xayaysiis.